Sawirro: Maxamed Xasan Cirro oo markale loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka

04 July 2021 (Puntlandes) Doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT oo goor dhow la soo gabagabeeyay ayaa waxaa ku guuleystey guddoomiyaha doorashada guddiga FEIT kadib markii uuu wareegii ugu dambeeyay helay 14 cod halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu ka helay 10 cod.

Dooroshadan oo ahayd mid aad u xamaasad sareysay ayaa waxaa ku tartamay shan musharax iyadoo wareegii labaad ay u gudbeen Cirro iyo Liibaan.

Gudiga ayaa ka koobn 25 mudane waxaana dalka ka maqan xubin ka mid ah iyagoo 24 ta kale ay hoolka xaadir ku ahaayeen ayna codeeyeen.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku xigeenka guddigan ayaa loo doortay Qareen Mowliid Mataan Salaad.

Doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo taagay afar xubnood oo kala ah Qareen Mawliid Mataan Salaad, Saciid Abshir Cilmi, Faadumo Mahamed Abdilaahi iyo Caasha Abuubakar.

Waxaa tanaasulay dhamaaan xubnihii la tartamayay qareen Mawliid Mataan. Waxa loo qaaday cod gacan taag ah, waxa uuna helay 23 cod.


Puntlandes.com

About The Author