Sawirro: Guddiga maamulaya doorashada Koonfurgalbeed Soomaaaliya oo gudoon doortay

05 July 2021 (Puntlandes) Doorashada guddonka Guddiga maamulaya doorashada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka qabsoontay SKI HOTEL oo deegaan ku meel gaadha u ah Guddiga.


Musharixiinta xilka Gudoomiyaha waxa isku Soo sharaxay waxay kala ahaayeen;
1. Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed
2. Maxamed Cabdullaahi Isaaq

Natiijada Doorashada: Xubnaha soo xaadiray waxay ahaayeen 11 xubnoo, Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed waxa uu helay 10 xubnood, halka Maxamed Cabdullaahi isaaq uu helay 1 cod.
Mudane Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed ayaa noqday gudoomiyaha cusub ee Guddiga maamulka Doorashada koonfur Galbeed soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author