Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug oo doortay Guddoon

05 July 2021 (Puntlandes) Doorashada Guddoonka Guddiga doorashada Galmudug Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen.

Musharixiinta xilka Gudoomiyaha waxaa isku soo sharaxay Maxamed Daahir Guuleed, halka uu ku xigeen waxaa isku soo sharaxay Saacid Aadan Jaamac.

Doorashadii maanta waxaa soo xaadiray 11 xubnood

1- Maxamed Daahir Guuleed wuxuu helay 11 cod. Mana jirin qof la tartamay.

2- Saacid Aadan Jaamac oo u tartamayey Gudoomiye ku-iegeen wuxuu helay 11 cod, ma jirin qof la tartamay.

Mudane Maxamed Dahir Guuleed, ayaa noqday Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgalinta Doorashada Galmudug, Mudane Saacid Aadan Jaamac wuxuu noqday Guddoomiye ku xigeen.

About The Author