Guddiga doorashooyinka Dowladda Puntland oo doortay Guddoon

06 July 2021 (Puntlandes) Magaalada Muqdisho waxaa oo ay kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Puntland, iyagoo kulankooda ku doortay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa  xilka guddoomiyaha isku soo taagay Cabdikariim Muuse Maxamed, waxaana iyada oo aysan jirin cid la tartantay oo ku guuleystay guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Puntland, isaga oo helay 11 Cod.

Guddoomiye ku xigeenka Gudiga ayaa waxa isku soo sharaxay Caynaanshe Yuusuf Xuseen, waxaana iyadoo aysan jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadn uu helay 11 Cod, isaga oo noqday Guddoomiye kuxuigeenka Gudiga doorashooyinka Puntland.

 


Puntlandes.com

About The Author