Daawo Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyay xiliga ay dhacayso doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn

06 July 2021 (Puntlandes) Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyay xiliga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn.


Guddiga markii uu (1) La tashaday Dawladda, Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada Rayidka ah (2) Iswaafejiyay jadwalka iyo xeerarka doorashada (3) Tixgeliyay jadwalka doorashada federaalka (4) Tixgeliyay xilli roobaadka, waxaa la go’aamiyay in doorashadu ka qabsoonto 3daas degmo maalinta Isniinta ah ee 25 October 2021

Puntlandes.com

About The Author