Sawirro: Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo hoygiisa ku booqday murashax madaxweyne Khayre

07 July 2021 (Puntlandes) Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal mudane Maxamed Hassan Maxamed Ciro iyo xubno kale oo ka tirsan GHDHF ayaa maanta hoygiisa ku booqday murashax madaxweyne, ahna raysal wasaare hore mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka ayaa waxay uga wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa in wadanka ay uga dhacdo doorasho xor ah, isagoona guddiga u jeediyey talooyin iyo dardaaran masuuliyadeed, wuxuu guddiga ku booriyey in markasta ay xil iska saaraan cadaaladda iyo daahfurnaanta doorashada.

Waa talaabo ka mid ah qorshaha guddiyadu ay doonayaan in ay kula kulmaan dhammaan murashaxiinta madaxtinimada, si loo dardar geliyo wada shaqaynta guddiyada iyo dhinacayda kala duwan ee danaynaya siyaasadda.


Puntlandes.com

About The Author