SAWIRRO: CEELKII DUDUN-BARWAAQO OO XARIGGA LAGA JARAY

07 July 2021 (Puntlandes)  Deegaanka Dudun-barwaaqo ee degmada Galxamur ee gobolka Doollo DDS Itoobiya ayaa maanta oo talaado ah bishuna ay tahay 7da july 2021 waxaa xarigga laga jaray Ceel Biyood qodidiisu soo idlaatay kaas looga hirgaliyey isku tashi Bulshada deegaanka dalka iyo dibadda kana mid ah Ceelasha iyo Iskuulada waxbarssho ee Badbaado Community.

Ceeka ayaa waxaa loogu magacdaray oo loo baxshay AUN aasaasihii Dudun Xasan Abshir Dhoore oo 1950-meeyadii aasaasay.

Munaasabadda xarig jarka oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Amiir Mohamud Yuusuf Ciise, gudoomiyaha degmada Bursaalax, maamulka degmada Galxamur, Nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaankaas.

Dhamaan dadkii munaasabadda ka hadlay ayaa waxay soo dhaweeyeen in Ceel laga qodo deegaanka waxay u duceeyeen dadkii dhaqaalaha ku bixiyey iyo dadkii ka soo shaqeeyeyba, waxayna hoosta ka xariiqeen inuu Ceelku yahay horumar ballaaran oo deegaanku ku soo kordhay ayna ilaashanadaan.

Amiirka ayaa sidoo kale u duceeyey dadkii dhaqaalaha ku bixiyey Ceelkaan Dudun-barwaaqo, wuxuuna bogaadiyey horumarka ay mudada yar ku talaabsatay Badbaado iyadoo Ceelkaani yahay Ceelkii 7aad, 4 ceel waa lagu guulaystay ceelba waa socdaa labona waa laga waayey biyo.

4ta Ceel ee lagu guulaystay 3 waxaa laga hirgeliyey gobolka Doollo, 1 ceelna degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, waana deegaanka Dudun-Tuulo Xanan oo 3-4km u jirta Ceelkaan maanta xariga laga jaray.

Allah ayaa mahad iska leh maanta bulshada Dudun waxay haystaan biyo nadiifa iyo amni, waana aasaaska horumarka, waxaana Allah ka sakow suurto galiyey Madaxweynaha DDS Mustafa Cagjar oo ka shaqeeyey Amniga ka jira deegaanka iyo in shacabka deegaanku ka shaqeeyaan horumarka, kaas oo kaabaya qorshaha horumarineed DDS.

Dudun-barwaaqo waxay dhanka waqooyi ka xigtaa degmada Bursaalax 30KM, waana deegaan xooluhu aad ugu badan yihiin.




Puntlandes.com

About The Author