Sawirro: Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 8 qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab

07 July 2021 (Puntlandes) Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobollada Mudug iyo Cayn, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 xubnood, oo sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Kadib dhegeysiga dacwadda loo haysto 8-da xukmane, oo ka dhacday xarunta Maxkamadda ee magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu dhawaaqay in dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in 8-da xukmane ay ku caddaatay in ay yihiin shabakad ka tirsan Amniyaadka Alshabaab, kuwaas oo dilal madax-jebin ah iyo qaraxyo ka geysan jiray dhinaca koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, ee Galmudug.

Waxa xusid mudan, in todobaad ka hor Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay magaalada Gaalkacyo.


Puntlandes.com

About The Author