Sawirro-Muuqaal: Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo dayactir lagu samaynayo 2KM oo ka mid ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan

08 July 2021 (Puntlandes)  Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf ayaa maanta waxaa ka bilowday dayactir lagu samaynayo 2KM oo ka mid ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa hagaajinaysa garoonka, si ay duulimaadyo uga bilaabaan diyaaradaha jed-ka ah, waxaana ku guulaysatay oo dhisaya Shirkadda Waddaniga ah ee Kebarco.

Wasiirka Duulista Hawada Puntland, agaasimaha guud ee Wasaaradda, maamulka gobalka gobalka Mudug, kan degmada Gaalkacyo ayaa maanta daah-furay dayactirka lagu samaynayo garoonka.



Puntlandes.com

About The Author