Sawirro-Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud

10 July 2021 (Puntlandes) Fadhiga 12aad ee Kalfadhiga 48aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shirguddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxa uu maanta u codeeyey wax ka bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud.

Fadhiga maanta waxaa soo xaariday 36 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud oo Goluhu ku sameeyey akhriska 3aad ka dib markii Guddiga Shuruucda, Caddaaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurku ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda la xiriirta wax-ka-bedelka xeerka.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qodob-qodob uga doodey, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland, ka doodista wax-ka-bedelka xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa sii socon doonta ilaa maalinta beri.




Puntlandes.com

About The Author