Daawo sawiradda RW Rooble oo gaaray magaalada garbahaareey

10 July 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaaray ee xarunta Gobolka Gedo ee Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta magaalada Kismayo uga dhawaaqay inuu booqan doono dhamaan 10 magaalo ee ay doorashadu ka dhacayso isagoo ugu horbooqday Kismayo isla maantana gaaray Garbahaareey oo ah goobta labaad ee Jubaland.

Rooble ayaa intuusan ka soo bixin Kismayo caddeeyey in goob doorashada labaad ee Jubaland ee magaalada Garbahaareey ay hoos timaado Jubaland uuna kulana xisaabtami doono madaxda Jubaland amniga iyo maamulka goobtaas , halkaan ka daawo.


Puntlandes.com

About The Author