Daawo Muuqaal: Ex Xil C/lahi C. Magan (Bood) oo sheegey in Fahad Yasiin uu fashilinayo dadaalada uu wado RW Rooble ee gobolka Gedo

10 July 2021 (Puntlandes) Xildhibaan hore Cabdullaahi Cabdulle Magan (Bood) oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu sheegey in aggaasimaha NISA Fahad Yasiin uu fashilinayo dadaalada uu wado Ra’iisul  Wasaare Rooble ee goob doorashada Garbahaareey.

Xildhibaan hore  Bood ayaa sheegay in maanta uu Fahad Yasin ku xir xirey magaalada Garbahaareey ee Gedo odayaal beesha reer Siyaad, isagoo diidan inay la kulmaan RW Rooble.

Waxa uu sheegay in musharixii ay beesha reer Siyaad soo gudbin lahayd gudoomiyaha Garbahaareey lagu celiyay magaaladda Muqdisho diyaaradaha lagu wargaliyay inaysan ka qaadi karin magaaladda Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xilli Rooble uu Maanta tagay Magaalada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka  iyo siyaasiyiinta ku sugan deegaankaas.


Puntlandes.com

About The Author