Garabka Cabdi Xaashi ee Guddiga Doorashada oo doortay Guddoomiye

10 July 2021 (Puntlandes) Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland ee uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Guddigan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo galabta ay guddoon doorteen todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble.

About The Author