Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo Muqdisho ku soo laabtay

11 July 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib ugu laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismayo iyo Garbahaarrey ee dowlad goboleedka Jubaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda lagu saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa waxa uu mudadii uu booqashada ku joogay magaalooyinka Kismayo iyo Garbahaarey uu dhagax dhigey mashaariic laga hirgelinayo Jubaland.


Puntlandes.com

About The Author