Guddiga Doorashada Jubaland oo kulan la qaatay godoonka Baarlamaanka Jubaland

12 July 2021 (Puntlandes) Xubnaha Guddiga maamulaya doorashada ee heer dowlad Jubaland ayaa 10kii bishaan 8 xubnood oo ka mid ahi waxay doorteen gudoon cusub.

Xubnaha Guddiga ayaa gudoomiye u doortay:
1. Mudane Siyaad Maxamed Mursal, halka gudoomiye ku xigeen loo doortay
2. Mudane Cabdiqadir Maxamed Maxamed( Jeylani)

Kulankii maanta:

11-ka Xubnood ee Guddiga maamulka Doorashada Heer dowlad goboleed Jubaland ayaa maanta xaruntooda kula kulmay guddoonka Baarlamaanka Jubaland. Labada guddi ayaa kawada hadlay hawlaha baaxadda leh ee horyaalla iyo sidii ay wada shaqeyn dhaw uga yeelan lahaayeen doorashada lagu guda jiro.

Sadexdii xubnood ee aan qaybta ka ahayn doorashada gudoonka ayaa iminka kusoo biiray.

Puntlandes.com

About The Author