Daawo Sawirada Beesha Reer Khalaf oo shirka Wadatashi uga socdo Gaalkacyo

12 July 2021 (Puntlandes) Beesha Reer Khalaf, Cumar Maxamud ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uga socda Shir ay uga wadatashanayaan Xubin Xildhibaanimo oo ka mid labada xubnood ee Beesha Cumar Maxamuud.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Nabadoonada, Odoyaasha, waxgaradka, Ganacsato, Haweenka  iyo qaybaha kale ee bulsha Beesha reer Khalaf.

Shirka ayaa waxa lagu wadaa inuu ka soo baxo warsaxaafeed ay Beeshu ku muujinayso inaysan gorgortan ka galayn xubin ka mid labada xubnood ee Beesha Cumar Maxamuud ay ku leedahay Golaha Shacabka BF Soomaaliya maadaama ay beelaha kale ay saami qayb uga qaateen Puntland wasiirada, Xildhibaanada, Agaasimayaasha guud iyo jagooyin kale oo ay leedahay Beesha Cumar Maxamuud.


Puntlandes.com

About The Author