Jubaland oo soo saartay digniin ku aadan la macaamilka kooxda argagixisada Alshabaab

13 July 2021 (Puntlandes) Shir ay isugu yimaadeen laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland oo shir gudoominayey Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa digniin adag kasoo saartay la Macaamilka Argagixisada Al Shabab, Digniinta ayaa si gaar ah u quseysa odayaasha dhaqanka oo la faray in aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan karin Alshabaab xilli loo diyaar garoobayo Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale Shirka ayaa Waxaa lagu go’aamiyey in la joogteeyo shirarka amni ee maalinlaha ah oo ay yeeshaan Hay’addaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland.

Puntlandes.com

About The Author