Akhriso DFS oo War saxaafadeed kasoo saartay Koonfur Afrika rabshadaha iyo bililiqada ay burcad hubaysan ku dileen afar qof oo Soomaali ah

War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)
Muqdisho, Soomaaliya
13 Luulyo, 2021


Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujinaysaa sida ay uga walaacsantahay rabshadaha iyo bililiqada ay burcad hubaysan ku dileen afar qof oo Soomaali ah, kuna dhaawaceen kuwa kale, kuna boobeen goobahooda ganacsi oo ku yaalla deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika intii lagu gudo jiray 72 saacadood ee la soo dhaafay.

Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Dowladda Koonfur Afrika inay dadaal ballaaran ku bixiso ka ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.

Soomaaliya waxay ku faanaysaa xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jireen halgankii ka dhanka ahaa midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah.

About The Author