Rabshadaha Koofur Afrika oo kordhay iyo Muwaadiniin Soomaali oo la dilay

14 July 2021 (Puntlandes) Waxaa sii kordhaya rabshadaha iyo boobka goobaha ganacsiga ee ka socda dalka Koofur Afrika, iyadoo la soo wariyay in illaa 72 ruux lagu dilay rabshadahaas oo ay ku jiraan dad ajaaniib ah.

Rabshadahan ayaa ka dambeeyay kaddib xariga Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Jacob Zuma. Gobolka uu ka soo jeedo Zuma KwaZulu-Natal illaa Johannesburh ayay si weyn ugu faaftay rabshadaha iyo dhaca loo geysanayo goobaha ganacsiga.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay socdaan dadaalo ku aadan sidii rabshadaha socda lagu soo afjari lahaa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay in afar muwaadin Soomaali ah lagu dilay rabshadaha, lana boobay goobahooda ganacsi oo ku yaalla Gobolka KwaZulu-natal.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Koofur Afrika inay ku dadaasho sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ee loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaalida

 

About The Author