Sawirro: Guddiga doorashooyinka Puntland oo kulan la qatay xubno ka socda Guddiga korjoogtayta doorashada Soomaaliya ee bulshada rayidka ah

14 July 2021 (Puntlandes) Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa saaka xarunta dhexe ee TPEC kusoo dhaweeyay xubno ka socda Guddiga korjoogtayta doorashada Soomaaliya ee bulshada rayidka ah oo dhawaan Guddigu tababar uga daahfuray caasumada Puntland ee Garowe.

Af-hayeenka TPEC Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa uga warbixiyay sooyaalka, shaqada Guddiga iyo hawlaha ay wadaan.

Ugu danbeyn xubnaha Guddiga korjoogtayta ayaa ugu mahadceliyay xubnaha TPEC soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo warbixinada muhiimka ah ee ay siiyeen waxayna isla qaateen in ay xiriir joogtaa yeeshaan.


Puntlandes.com

About The Author