Abiy Ahmed oo sheegay inuu ka hortagayo weerarada Tigray
14 July 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu ka hortagi doono weerarada ay mucaaradka Gobolka TIgray ay ka bilaabeen deegaano cusub oo ku yaal waqooyiga dalka Ethiopia.
Abiy, oo horey ugu guuleystay abaal-marinta Nobel, balse go’aankii uu dagaalka ku aaday ay kasoo gaartay sumcad-darro, ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay soo afjarto colaadda, xitaa haddii ay taas “qiimo” ku kacdo.
“Waan is-difaaci doonnaa, iskana caabin doonnaa weerarada cadowgeena gudaha iyo dibedda, annaga oo sidoo kalena ka shaqeyn doonna dadaallada bani’aadannimo,” ayuu Abiy ku yiri bayaan lagu daabacay twitter-ka.
Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan soo cusbooneysiiyey weerarada ay ka fulinayaa gobolka Tigray ee waqooyi, ayaga oo guulo ka sheegtay dagaalo dhowr ah, laba toddobaad kadib markii dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.
Waxay tani ka dambeysay qabsashadii ay kula wareegeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle, taasi oo weji cusub u yeeshay dagaalka sideedda bilood ka socda gobolka Tigray, oo ay ku dhinteen kumanaan qof, boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen.