Wasaaradda Waxbarashada ee DFS iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir heshiis ku gaaray Garowe

14 July 2021 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha waxbarashada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay magaalada Garowe ku kala saxiixday heshiis.


Shir muddo dhawr bari ah uga socday Wasaaradaha waxbarashada magaalada Garowe ayna hogaaminayaan wasiirada Waxbarashada ayaa waxaa la isku afgartay qodobadaan hoos ku xusan:
1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha wxbarashada.
2. In la mideeyo qalfoofta manhajka(Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).
3. In Maamul Goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.
2. In shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.

Wixii faahfaahin akhriso lifaaqa hoose ee heshiiska la wada saxiixay.



Puntlandes.com

About The Author