Sawirro: Sheekh Shariif oo kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe

15 July 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya isla markaasna ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Sheekh Shariif ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, iyagoo uga wada hadlay arimaha doorashada.

Kulanka Sheekh Shariif iyo Guudlaawe oo ka qabsoomay Hotel Airport ee ku yaala xayndaabka Xalane ayaa waxaa looga hadlay xaalada dalka, arrimaha doorashooyinka iyo xiisadaha kasoo cusboonanaya deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu Sheekh Shariif ku leeyahay Facebook ayaa wuxuuna u qornaa sidaan hoose:

Waxaan kulan gaar ah Muqdisho kula qaatay Madaxweynaha Dowladda #Hirshabelle walaalkey Cali Guudlaawe oo aan ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda Guud ee Hirshabelle.
Waxaan u xaqiijinnay in aan la garab taagannahay taageeradeena si loo xaqiijiyo Hirshabelle horumarsan iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.


Puntlandes.com

About The Author