Sawirro: Ciidamada miino-baarista Booliska Galmudug iyo kuwa Mileteriga oo ku guulaystay in ay soo saaraan miinooyin

16 July 2021 (Puntlandes) Ciidamada miino-baarista Booliska Galmudug iyo kuwa Mileteriga ayaa ku guulaystay in ay soo saaraan miinooyin ay Alshabaab ku wareejiyeen fariisimihii ay ka baxeen saakay.

Qiyaastii afar xabbo oo miino ah oo isugu jira kuwa remoteka ah iyo kuwa anti-taangiga ah ayaa la soo saaray, welina tiimka miina baaristu waxay baarayaan aagga Bacaadweyn iyo Camaara oo maalmihii la soo dhaafay dad shacab ah ay wax yeelaysay miinada Alshabaab ay ku aastay deegaanadaas.

 


Puntlandes.com

About The Author