Guddiga Doorashada Jubaland oo shaaciyey inay 25 bishaan qaba karaan doorashada Senatarada Aqalka Sare

16 July 2021 (Puntlandes) Guddiga Doorashada heer Jubaland ayaa shaaciyey inay 25 bishaan qaba karaan doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya dowlad goboleedka Jubaland.

Guddiga ayaa Guddoonka Baarlamaanka Jubaland ka codsaday inay magacabaan guddi kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada, sidoo kale, Guddiga ayaa musharixiinta doonayo inay u tartamaan Aqalka Sare ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada.

Hoos ka akhriso qodobada ay soo saareyn guddiga

1) In guddiga higelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Jubaland uu diyaar u yahay qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka sare mudadii loo qorsheeyey ee aheyd 25 July 2021

2) Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed waxay guddoonka Baarlamaanka Jubaland ka codsanayaan inay magacaabaan guddi doorasho heer Baarlamaan ee guddiga hirgelinta doorashada kala shaqeeyo qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare

3) Dhammaan musharixiinta doonayo inay u tartamaan kuraasta Aqalka Sare inay isku diyaariyaan doorashada.

4) Guddiga wuxuu ka codsanayaa dowladda Jubaland inay u diyaar garowdo sugidda Amniga Doorashada

5) Guddiga wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalka Sare oo faahfaahsan.

Puntlandes.com

About The Author