Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo galay fasax kooban kordhiyeyna waqtiga Kalfadhiga 48aad ilaa doorashadu kasoo gabogaboobayso

27 July 2021 (Puntlandes)  Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland Abdiaziz Abdullahi Osman oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shirguddoomiyey fadhiga 19aad ee Kalfadhiga 48aad.
Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 41 Xildhibaan, Furitaanka ka dib Guddoomiyaha ayaa la wadaagay mudanayaasha in wakhtiga Kalfadhiga oo ahaa 45 cishe ay ka hartay maalmo kooban loona baahan yahay maalmo dheeraad ah oo ku eg Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday illaa 3-da bisha August, 2021 in fasax kooban Goluhu galo.


Puntlandes.com

About The Author