Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku boggaadiyay Madaxweynaha Jubaland oo soo gudbinta liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare

27 July 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku boggaadiyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam soo gudbinta liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka sare ee dalka qaybta Jubaland.


Sidoo kale Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayuu ku booriyey dardargalinta shaqooyinka loo egmaday.

Rooble ayaa qoraal kooban oo uu soo bartiisa Twitterka ku shaaciyey inay doorashadii bilaabatay isagoo ku booriyey dawlad goboleedyada kale inay bilaabaan.

Puntlandes.com

About The Author