Fahad Yaasiin oo xil magacaabay

28 July 2021 (Puntlandes) Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay Madaxa Shaqaalaha NISA.

Magacaabista Cabaas Yacquub ayaa ka dambeeysay, kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble xilalkii uu ka qaaday Cabdullaahi Kulane oo ahaa Taliyaha Shaqaalaha NISA iyo Taliyihii nabadsugida Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay jebiyeen amar uu soo saaray Rooble.

Cabaas ayaa ka mid ahaa hoggaanka sare ee NISA, waxaana uu hayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada, waana ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha Hey’adda NISA, marka uu xilka xilka banneeyo Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu doonan rabo kursi Xildhibaan, si uu Xasaanad ugu helo.

About The Author