Sawirro-Muuqaal: Xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo gaaray Kismayo

28 July 2021 (Puntlandes)  Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka ayaa gaaray magaalada Kismayo.

Xubnaha wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiye Abyan oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxa ujeedka safarkoodu uu la xiriiraa sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada Aqalka Sare ee la filayo in berri ay ka bilaabato magaalada Kismayo.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa shaaciyay dhawaan qeyb ka mid ah musharaxiinta kuraasta Senatarada Aqalka Sare ee lagu dooranayo magaalada Kismayo. Guddiga doorashada Aqalka Sare ee Jubaland ayaa bilaabay maanta inay qabtaan araajida xubnaha musharaxiinta doorashada Aqalka Sare.


Puntlandes.com

About The Author