Dawlada Ethiopia oo ka horjeesatay Cunaqabataynta Maraykanku kusoo rogay Eritrea
13 Nov 2021 (Puntlandes) Qoraal kasoo baxay Dawlada Ethiopia ayey uga soo horjeesatay in dalka Maraykanku uu Cunaqabatayn kusoo rogay Dawlada Eritrea.
Waxaan aaminsanahay in maraykanku uu ku guuldaraystay Tixgalinta Xaqiiqooyinka muhiimka ah, waxaana qoraalka oo qodobo dhawr ah ka koobnaa lagu yiri:
1- Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa gantaallo ku ridday dalka madaxa-bannaan, ee Eritrea, ka dib markii ay weerar aan loo meel dayin ku qaadeen TPLf, Taliska Waqooyiga ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya November 3, 2020. waa xuquuq madax banaan oo ay dawlada Eritrea u leedahay inay ka jawaabto khatarta ku soo fool leh madax banaanideeda iyo amnigeeda.
2- Dawladda Itoobiya waligeed wax cabasho ah uma gudbin beesha caalamka oo ku saabsan joogitaanka hore ee ciidamada Ereteriya ee dhulkeeda, si ay u difaacaan midnimada dhulkeeda,
3- Cabashadaan oo kale waxaa xaq u leh dawladda Itoobiya ee maaha dal kale.
4-Dowladda Eritrea waxay ciidamadeeda kala baxday Itoobiya, kaddib markii ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo oo hal dhinac ah dhammaadka Juun 2021. si loo helo nabad waarta oo ka dhalata Itoobiya. Khatarta dhabta ah iyo tan hadda nabada Itoobiya iyo gobolka Geeska Afrika ku haysa waa colaadda iyo gardarada joogtada ah ee kooxda TPLF.
Hoos ka akhriso qoraalka:
Puntlandes.com