Baarlamaanka Puntland oo Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Wax-ka-bedelka Xeerka La dagaalka Maandooriyaha Puntland
14 Nov 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta ajandaha kulanka waxaa uu ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha Dawladda Puntland oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya ciqaabta iyo ganaaxyadda ay muddan karaan haddii lagu qabto shaqaalaha Dawladda, mas’uuliyiinta Dawladda ee Xasaanadda leh iyo kuwa aan laheyn, Ciidamada Nabad-gelyada, Guryaha lagu iibiyo laguna kariyo maandooriyaha, hubka lagu soo qabto hawl-gallada la dagaalanka maandooriyaha, lacagaha lagu soo qabto.
Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Wax-ka-bedelka Xeerka La dagaalka Maandooriyaha Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 35, Diidmo 2 Mudane, haka aysan jirin cid ka aamustay.
Waxaa reebban sameynta, keenidda, beerista, gacan-siinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyada Maandooriyaha sida uu qabo Xeerku.