Sawirro : Shirka Amniga gobolada Mudug & Doollo oo dhacay magaalada Bookh

03 June 2022 (Puntlandes) Shirka Amniga ee gobolada Mudug iyo Doollo ee Puntland iyo DDS  ayaa ka dhacay magaalada Bookh ee gobolka Doollo ee Dowlad deegaanka Somalida.

Gobolka Doollo ayaa waxaa safar shaqo ku gaarey wafti balaaran oo ka socda dowladda Puntland, iyagoo shir kula yeeshay maamulka gobolka Doollo iyo saraakiisha Amniga gobolka.

Waftiga ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire, Taliyaha Aaga Mudug iyo Cayn Sharmarke Sheikh Doon, Taliyaha Nabad-sugida G/Mudug Mohamed Khaliif Jama, Xisaabiyaha G/Mudug Ismaciil Geeseey, Duqa Degmada Galdogob Cabdiqafar Shiikh Ibrahim,Gudoomiyaha Maxkamada G/Mudug Darajada 1Aad Cabdinasir Mohamed Ali, Gudoomiyaha Racfaanka G/Mudug Mohamed Osman Adam, Xeer ilaaliyaha G/Mudug Abdifitah Osman Aadam, Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Xasan Cabdulaahi Wardheere

Labada maamul ayaa kawada hadley kawada shaqeynta Amniga, Ganacsiga Waxbarashada, Caafimaadka, Fududeynta isku socodka shacabka iyo Gaadiidka, la dagaalanka iyo joojinta khamriga, qabashada dambiilayaasha usoo carara labada dhinac iyo ladagaalanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii labada maamul ayaa u xilsaarey arrimahaan guddi kawada shaqeeya oo dardargeliya qodobadii ay kawada hadleen.

About The Author