Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida Doorashooyinka Somaliland oo iscasilay

04 June 2022 (Puntlandes) Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Biixi, sida ay ii xaqiijiyeen Illo-xogogaal ah.

Xubnaha iscalisay ayaa kala ah:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood,

2- Kaltuun Sheekh Xasan

3- Cabdixakiim Siciid Dalmar

Saddex xubnood oo kale ayaa hore isaga casilay guddida halka xubinta 7aad ere xisbiga UCID-na aan weli Baarlamaanku ansixin.

Iscasilaada maanta ayaa waxay ka dhigan tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay.

About The Author