Sawirro: Axmed Karaash oo qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA Soomaaliya

04 June 2022 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid soo dhoweyn ah ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqada Hay’addu ka wado deegaanada Puntland oo ay ugu horeeyaan Caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka, horumarinta dhalinyarada iyo qodobo kale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Wakiilka cusub kusoo dhaweeyey Puntland isaga oo sheegay in dowladdu ay soo dhoweynayso dhammaan hay’addaha kala duwan ee Caalamiga ee qaybta ka noqonaya horumarka socda.

About The Author