Sawirro-Muuqaal: Musharax Cirro shacab badan kula hadlay Hrgaysa uguna baaqay inay u diyaargoobaan…

05 June 2022 (Puntlandes) Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo madaxda kale ee Xisbiga ayaa xalay taageerayaal badan kula caweeyay caasimadda Hargeysa

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo taageerayaashiisa la hadlay ayaa yiri “ Isu-soo baxu wuu qabsoomayaa anigaana hoggaaminaya, cidii u badheedhaysa in ay xabad ku rido shacabka aan hubaysnayn ha soo riddo, xukuumadda waxaan u sheegayaa wadankan qori laguma qabsan, xoogna laguma haysan karo, kursiga ayaa la iskugu imanayaa doorashaa la qabanayaa, waxaanan leeyahay sanduuqa dhig hadii lagaa helana dhiib hadii aad heshana joog, mudo kordhina ma jirto.

Musharax Cirro ayaa ku daray ”Maanta Muuse Biixi waxa uu komishankii ku qasbay in ay xabad xabad u tanaasulaan, taa macnaheedu waxa weeye in ay cadaatay in aanu doorasho qabanayn laakiin waxaanu leenahay doorasho la,aan halkan ku joogi maysid.”

About The Author