Muuqaal: Gudoomiye Faysal Cali Waraabe “Qaban-qaabadii Mudaharaadku waxay maraysaa gabo-gabo”

05 June 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo xafiiskiisa ku qabtay shir saxsaafadeed ayaa eedayn culus u jeediyey madaxweyne Muuse Biixi.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in qabanqaabada mudaharaadkii ay abaabulayeen xisbiyada mucaaradku iuu marayo heer gabgabo ah.

Gudoomiye Faysal ayaa yiri “Qaban-qaabadii Mudaharaadku waxay maraysaa gabo-gabo”

Faysal oo gaashaanka ku dhuftay furista Ururada ee uu madaxweyne Muuse wado ayaa yiri “Maanta Muuse wuxuu baabiinaya rukumadii Dimuqraadiyadda”

Gudoomiye Faysal ayaa ku sii daray “Idina waan idin baabiinayaa anna waan jiraya wax la aqabalayo maahe, waynu wada baaba’aynaa, Shir Beeleed-na waa la isugu imanayaa..,”

“1994-kii Muuse Biixi isagoo 500 Askari haysta ayuu riday dagaalkii sokeeye, maantana waxay u eegtahay in isaga sabab looga soo dhigayo”

About The Author