Daawo Muuqaal: Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansaxiyay saddexdii xubnood ee ka harsanayd guddida Diiwaan gelinta iyo Ansixinta Asxaabta

06 June 2022 (Puntlandes) Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sadexdii xubnood ee ugu dambeeyay gudida diiwaan gelinta ururada iyo ansixinta asxaabta Somaliland.

Xubnaha golaha Wakiiladu ansixiyeen ayey u waayey codka ansixinta laakiin mar kale uu  dib usoo celiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Tirada mudanayaasha Golaha Wakiilada ee soo xaadiray Fadhiga ayaa ahaa 57.

Xubnahaan ayaa kala ah:

1-Siciid Maxamed Cilmi Siraadle oo ah Gudoomiyaha guddiga waxaa u coddeeyey 50 mudane

2- Maxamuud Axmed Obsiiye waxaa u coddeeyey 48 mudane

3- Mukhtaar Cabdi Jaamac waxaa u coddeeyey 52 mudane

About The Author