Fahad Yaasiin oo si aan laga filayn uga hadlay Agaasimaha cusub ee NISA

08 June 2022 (Puntlandes) Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA loo magacaabay Mahad Salaad kaasoo dhawaan si rasmi ah ula wareegay xilka hay’adda.

Fahad ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan si fiican u aqoon Mahad Salaad, taasoo keentay in uu gacanta u geliyo hay’ad muhiim u ah amniga Qaranka.

Fahad Yasin ayaa yiri “Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen. Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranka leeyahay la wadaaga Taliyaha cusub uu yahay qof la wadaagay sirtii qaranka Cadowga,”

Fahad ayaa si bareer ah u weeraray Mahad Salaad oo uu gaarsiiyay heer uu isla barbar-dhigo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale waxa uu ku faanay intii uu joogay xilka u sareeya hay’adda in uu ka sifeeyay wax ugu yeeray “fara-gelin shisheeye” iyo in xogaha dowladda si fudud ku helaan ajaaniibta kale.

“Waxaa hay’adda NISA ka saaray wax alaala iyo wixii fara-gelin Ajaanib ahaa oo hay’adda si xad dhaaf ah ugu dhex jiray.”

About The Author