Muuqaal: Bahda waxbarashada gobolka Mudug & waalidiinta ardayda wax ka barata Gaalkacyo oo baaq ka soo saaray khatar ku fool leh waxbarashada gobalka

08 June 2022 (Puntlandes) Maamulayaasha Jaamacadaha, dugsiyada sare iyo guddiga waalidiinta ardayda wax ka barata magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Puntland ayaa baaq ka soo saaray waxbarashada gobalka Mudug.

Bahda waxbarashada gobolka Mudug iyo waalidiinta ayaa yeeshay kulan looga hadlayay heshiis horey u dhaxmaray Puntland iyo Galmudug.

Heshiiskaas ayaa ardayda gobolka u ogolaanayey inay dhinacyada maamulada wax uga baran karaan.

Bahda waxbarashada gobolka Mudug & waalidiinta ardayda ayaa sheegay in heshiiskaasi buray khatarna uu ku yahay ardayda.

Sidoo kale wxay ka digeen qorshe lagu burburinayo waxbarashada gobolka Mudug, waa sida ay hadalka u dhigeene.

About The Author