Sawirro: Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Puntland oo daah-furay shir u dhexeeya madax ka socotay Bankiga Adduunka iyo Dowladda Puntland

08 June 2022 (Puntlandes) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa daah-furay shir u dhexeeya madax ka socotay Bankiga Adduunka iyo Dowladda Puntland.

Shirkan oo looga arrinsanayo sidii ay noqon lahaayeen qaabdhismeedka iyo Maamulka Mashaariicda cusub ee Bankiga Adduunku ka Fulin doono guud ahaan Somalia, gaar ahaan Puntland.

Agaasimaah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Dr. Maxamed Cabdi Cilmi ayaa daadihinaayay shirkan Waxaana kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Dowladda, sida Hantidhowrka Guud, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah Waaxda Dakhliga Wasaradda Maaliyadda iyo mashaariicda DRM-PFM iyo CIP.

Mashaariicda dhowaan la hir gelin doono ayaa is bedel lagu sameeyey qaabkii ay horey u ahaayeen, iyadoo lagu mideeyey hal mashruuc oo loo yaqaan (SERP- Somalia Enhancing Public Resource Management Project), Mashruucaan SERP oo lagu mideeyey mashaariicdii horey loo oran jiray PFM, DRM iyo CIP Proejcts.

Shirkan intii uu socday ayaa laga gaaray is afgarad fiican waxaana dhici doona kulamo kale oo looga sii wada hadli doono sidii loo maamulilahaa mashaariicdan dhowaan la daah furi doono si Shacabka Puntland uga faaiideysan lahaayeen Deeqaha Bankiga aduunka la soo marsiiyo.

About The Author