Sawirro: Wafdi ka socda Imaaraatka Carabta oo Muqdisho gaaray

09 June 2022 (Puntlandes) Waxaa garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyarad siday wafdi ka socda dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasoo caasimadda u yimid ka qeyb galka caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaalita Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay wafdigan uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan oo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Wafdigan ayaa loo galbiyay goob gaar ah oo loo diyaariyay iyagoo kulan mudo kooban qaatay uu ra’iisul wasaaraha kula yeeshay qeybta VIP-da ee garoonka Muqdisho, wuxuuna kaga mahad celiyay booqashadooda.

About The Author