Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Masar Muqdisho gaaray

09 June 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mustafa Madbuuli iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan oo u yimid magaalada ka qeyb galka caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalla Xasan Sheekh waxaa garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kamida golihiisa wasiirada.

Wafdigan waxaa loo galbiyay goob loo diyaariyay, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mustafa Madbuuli ka mahad celiyay sida heerkeeda sareeya ee loo soo dhaweeyay, iyagoo kulan kooban oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal la yeeshay wasiirka koowaad ee xukuumadda Rooble.

About The Author