Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Muqdisho gaaray

09 June 2022 (Puntlandes) R’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goordhow soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Abiye, waxaa garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo maamuus gaara loo sameeyay Abiye oo dowladiisa ay qeyb ka tahay madaxda ciidamada dalkan ay ka joogeen.

Abiye ayaa si kooban waxa ay isu arkeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku amaanay ka soo qeyb galka caleem saarka iyo kaalinta dowladiisa ee xasilinta dalkan.

Abiye Axmed waxaa xiriir gaara uu la lahaa madaxweynihii laga guuleystay Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo qeyb ka ahaa dadkii kula taliyay inuu sameysto mudo kororsiga markii danbe la diiday kadib dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho.

About The Author