Sawirro-Muuqaal: Hargaysa oo uu ka dhacay Mudaharaad ballaran ooy hoggaaminayaan madaxda Xisbiga WADDANI

09 June 2022 (Puntlandes)Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa ka dhacay Dibadbax nabadeed oo aad u ballaaran kaas oo ay madaxda Xisbiga WADDANI hoggaaminayeen.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa horay taageerayaashooda ugu baaqay Mudaharaad looga horjeedaan madaxweyne Muuse Biixi oo sida ay sheegeen diiday inuu qabto doorasho.

Waxaa intii uu Mudaharaadku socday ay ciidamada dawladdu ku dhaawaceen masuuliyiin Xisbiga WADDANI iydoo qaarna Xabsiga loo taxaabay.

About The Author