Muuqaal: Murashax Cirro oo si rasmi ah ugu dhawaaqay maalinta Somaliland oo dhan looga mudaharaadayo Madaxweyne Muuse

09 June 2022 (Puntlandes) Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maalinta Somaliland oo dhan looga mudaharaadayo Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ah sabtida soo socota ee 11ka June.

Murashax Cirro ayaa yiri”Mudaharaadku waxa uu si rasmi ah u bilaabmayaa Maalinta Sabtida ah Lixda Gobol & Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Saaka annaga oo dooneyna in aan dadka siinno wacyigelin ayaa naloo adeegsaday Xabad nool, sunta gaaska ah, xadhig iyo Jidh-dil oo sharci darro iyo kelitalisnimo ah. Qof hor istaagi kara dareenka dadweynaha ma jiro, mudaharaadku waa uu soconayaa”

Murashax Cirro ayaa ku tilmaamay mudaharaadkii Ballaarna ee maanta Hargaysa ka dhacay mid aysan ku talo gelin, laakiin ay xukuumadda Muuse u isticmaashay Rasaas nool masuuliyiina ay xirxirtay qaarna ay jirdishay.

About The Author