Wasiir Maxamed Kaahin oo ku amray Ciidanka Somaliland inay talaabo ka qaadaan haddii la Mudaharaado

09 June 2022 (Puntlandes) Wasiir Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin ayaa ku amray Ciidanka Somaliland inay talaabo ka qaadaan haddii ay Xisbiyada mucaaradku isku dayaan inay qabtaan Mudaharaadka ay ku baaqeen sabtida soo socoto.

Amarka ayuu wasiirku si toos ah u siiyey dhamaan gudoomiyayaasha gobollada &

degmooyinka Somaliland iyo taliyaha ciidanka booliiska.

ujeedo:- sugida adkaynta nabadgalyada

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 09ka June 2022, uu mudaharaad sharci daro ah laga sameeyey Caasimadda Hargaysa, kaas oo wax oggolaanshiyo ah aan ka haysan wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiirku wuxuu ku daray  in xisbiga wadani mas’uulkoodu ay ku dhawaaqaeen in maalinta sabtida ah mudaharaad la iskugu soo baxo, sidaas darteed dhamaan gudoomiyayaasha gobollada & degmooyinka Somaliland iyo taliyaha ciidanka booliiska wuxuu faray in cidii isku deyda mudaharaad bilaa sharci ah talaabo sharciga waafaqsan aad ka qaadaan.

About The Author