Sawirro: Madaxweyne Deni oo ka qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

11 June 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda ka qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka furmay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah waxaa looga hadlaya sii amba qaadka Wadashaqeynta Madaxda Soomaaliyeed, si wadajir loogu hirgeliyo qorsheyaasha hortabinta leh ee dhinacyada Amniga, Dib-u-eegista Dastuurka, Doorashooyinka, Garsoorka, Federaalaynta iyo xaaladaha bani’aadanimo sida Abaaraha.

Shirka waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ka qeybgalaya Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

About The Author