Dad badan oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho

11 June 2022 (Puntlandes) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare xooggan sababay oo ka dhacay xero barakac oo ku taala degmada Dharkiinleey ee magaalada Miqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa la dhigay maqaaxi habeenkii lagu caweeya oo ku dhex taala xerada barakac ee Badbaado kaasoo fiidkii hore ee xalay dhacay, wxaana xiligaasi la sheegay iney mashquul badan eheyd maqaaxida oo ay fadhiyeen askar iyo dad shacab ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxan ay ku geeriyoodeen 6 ruux, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa u badnaa rag Xamaalato ah oo maalinkii ka shaqeysta magaalada iyagoo muruqooda maalaya, habeenkiina isaga caweeya maqaaxida la weeraray ee ku dhex taala xeradooda barakac.

Ciidamada amaanka ee degmada Dharkiinleey ayaa tagay halka qaraxa uu ka dhacay iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana ah, waxeyna ku guul dareysteen iney gacanta ku soo dhigaan ragii ka danbeeyay falkan.

About The Author