Fahad Yasin oo dilkii Ikraan tahliil ku eedeeyey RW Rooble, Mahad salad iyo Al-cadaala

11 June 2022 (Puntlandes) Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay dilkii AUN sarkaalad Ikraan Tahliil, isagoo dusha ka tuuray dilka Ikraan Tahliil Ra’iisul wasaare Rooble, Agaasime Mahad Salaad iyo Wasiir Al Cadaala.

Fahad Yaasiin ayaa yiri “Gabadhaan waxaa marka hore la geeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waxey ahayd shaqo doon. Kadib Mahad Salaad ayaa gaari kusoo qaaday, waxaana la geeyay  Daarusalaam. Kadibna Jilib ayaa lasii geeyay halkaas ayaana lagu dilay”

Fahad Yaasiin ayaa eedeeyay dilka Ikraan Tahliil Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wasiir kuxigeen Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Mahad Salad.

Fahad Yaasiin ayaa yiri “Waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo xiriir dhow leeyihiin Mahad Salaad. Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil waxaa lahaa Mahad Salaad. Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala. Maskaxdana waxaa lahaa Rooble. Dilkana waxaa geystay Alshabaab”

Wuxuuna Fahad ku daray “Aakhiro waxaa la weydiin doonaa Insha Allah RW Rooble. Gabdhaan waxaa dilkeeda ka dambeeyay sadaxdaas rag iyo Al Shabaab”

Dhanka kale Fahad Yaasiin ayaa sheegay in la qorsheeyey in lagu dilo dalka Jabuuti, iyadoo uu ku fashilmay kadib markii qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Fahad Yasin ayaa tilmaamay inuu qorshahaas ka dambeeyey Rooble uuna hayo caddaymo tilmaamaya falkaas.

About The Author