Daawo Muuqaal: Guddoomiye Xirsi “Gurigayga ayaa gaari si qorshaysan loo geliyey waana markii labaad”

11 June 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Musharraxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, Musharraxa madaxweyne kuxigeen Maxamed Cali Aw Cabdi iyo xubno kale ayaa booqday guriga Guddoomiyaha Xisbiga ee xaafadda Goljano oo saaka gaari la jiirsiiyay.

Guddoomiye Xirsi oo arrintaasi ka warbixinaya ayaa yiri “gurigayga ayaa la soo weeraray, gaari ayaa si qorshaysan loo galiyey, maaha markii koowaad oo waxaa ka horaysay in gurigayga ay dad la soo diray taayiro dab lagu qabtay ku tuureen. Falkaas hore iyo kan saakuna xiriir ayay leeyihiin.

Falalkani waxay u muuqdaan weerar qorshaysan oo ay dawladu ku talogashay oo ay doonayso in ay nagu cabsi galiso, waxaa sidoo kale jirtay in maalintii mudaharaadka ay damceen in ay gaari na jiirsiiyaan aniga iyo murashaxa madaxwayne iyo kuxigeenkiisa. waxaas oo dhami waa cabsi galin.”

Waxaanu leenahay waxaad dilaysaan dila, waxaad doonaysaan xira, waxaad doonaysaan qaada anaga waxaasi na cabsi galin maayaan ee runta ayay tagi”

About The Author